Waan Jecelahay Chad

Facebook

WAXA AANNU NAHAY LAJIRKA CHAD

Magacaygu waa Chad Borseth, waxa aanan u tartamayaa Maamulka Sare ee Dugsiyada South Washington County (833). Waxa aan u baahnahay taageeradaada si aan u helo saddex meelood meel xilalka Maamulka Sare (Board) ee Dugisga waxbarashadiisu furan tahay. Intan hoose waa inta aan isleeyahay dedaallada Maamulka Sare ee dugsiyadeennu in ay diiradda saaraan ayay u baahan yihiin:


Dhaqanka dugsi xooggan waxa laga unkaa xidhiidhada qotadadheer ee u dhexeeya ardayda, waalidka iyo hawlwadeennada dugsiga, ka macallin waxbarashada gaar ahna, qiimaha ay xidhiidhadani leeyihiin waa qaar aan waayo’aragnimadeeda maalin walba helayay.  Labaatankii sano ee ina soo dhaafay ee aan xaruumaha waxbarashada gaarka loo leeyahay ka shaqaynayay, waxa aan ka soo waayo’arkay sida joogtaynta dhabta ah ee la rabo in lagu dhiso dhaqanka kooxay u noqon karto mid faa’iido wayn u leh shaqaalaha iyo macaamiisha, labadaba. Waxa aan doonayaa in aan waayo’aragnimadaydan kalageddisan ku biiriyo Maamulka Sare ee dugsiyadeenna. Waayo, waxa ay taageeraysa doonista macaamiisheenna—oo ah ubadkeenna. 


Waxa aan u tartamayaa si aan u hubiyo in baaqa ardaydeenna, waalidiinteenna iyo hawlwadeennada dugsiyadeennu u noqdaan qaar metelaad iyo mudnaan dhab ah ku leh Ciidanka Degmadeenna iyo maamulkaba. La-kulanka akaadamiyiinta, bulshada iyo doonista dareen ee ubadkeenuna waa mid lafdhabar ah yoolka aasaasiga ah ee Nidaamka Dugsiyada Guud—waanan taxay yoolashan. Fadlan ka eeg “Meelaha aan Xoogga saarayo” cinwaanka ah oo xagga hoose ku xusan.


Ugu danbayn, xubnaha Maamulka Sare ee Dugsiyadeenna waa in ay ahaadaan qaar joogteeya in ay ahaadaan dad eex ka madhan. Doorashadani ma aha mid la kala dooranayo murashaxyo Dimuqraadi iyo Jumhuuri kala ah, balse doorashadani waa mid ku salaysan kala doorashada murashaxee baa mudnaanta koowaad ardaydeenna siinaya. Xubin Maamulka Sare ee Dugsiga ahaanna, waxa aan soo dhawaynayaa ruuxdii soojireenka ahayd ee Maamulka Sare ee Dugsiga ee dhexdhexaadka ah.

Meelaha aan Xoogga Saarayo

Dhaqan dugsiyeed (culture) hagaagsan waxa lagu xasilin karaa helista xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya ardayda, waalidka, iyo shaqaalaha iskuulka, xidhiidhkaas oo caruurta u ballan qaadaya deegaan nabdoon oo si wanaagsan wax loogu baran karayo. Waa in aynu ku dedaalno kobcinta iyo adkaynta xidhiidhadaas, iyo in aynu weliba ka dhigno aasaaska siyaasadda nebedgalyada degmada. Warbixin ay soo saartay FBI ayaa sheegaysa “81% dhacdooyinka la qorsheeyey, dad ayaa ogaa inta aanay dhacdadu dhicin ka hor,” kiisas kale oo badanna asxaabta iyo ardayda kale(classmates) ayaa horay u sii ogaa weerarka (2017,p.6). Isla warbixintan ayaa waxa ay tibaaxaysaa “71% weerarka dembiilayaasha ee la soo wariyay ayaa ah kuwo la soo dhibaateeyey(bullied) ama in ay dambiilayaashu yihiin kuwa aargoosi doon ah” (2017,p.5).  Xogtani waxa ay wax ka taraysaa muhiimadda ay leedahay xidhiidhka sinnaanta leh—ardaydu in ay xogta la wadaagaan dad ay ku kalsoon yihiin.


Waa in aynu dedaal dheeri ah samaynno si loo horumariyo badqabka nafsadeed ee awlaaddeena; horumarinta helitaanka shaqaalaha bulsheed ee dugsiga iyo kaabayaasha kale waa maalgelin aad u mihim ah oo ay tahay in aynu qaadanno. Ugu dambayn, iyada oo la xaqiijinayo horumarinta ammaanka jidheed ayaa haddana waxa aan isticmaalaayaa awooddayda si aan u xoojiyo macaamilka SoWashCo kala dhaxeeya hay’adaha sharciga ah aniga oo khibraddayda ku biirinaaya (SROs) 

 

Halkan waxa ah qodobada muhimka ah ee aan jeclaan lahaa in aan diiradda saaro

- Hubinta in dhammaan ardaydu ay koraan tacliin ahaan, bulsho ahaan iyo dareen ahaanba. Ka waalid ahaan, barayaal iyo xubno bulsheed ahaan waxa aannu mudnaan siin doonnaa ardaydeenna guulahooda aqooneed iyo wanaagga bulshada. Tacliin heersare ah iyo manhaj dugsi oo tayo lehi waxay ardaydeena u sahlaysaa in ay horumariyaan habsami-u-fikirkooda iyo xirfadaha xallinta mushkiladaha. Islamar ahaantaana, diiradsaaridda barashada shucuurta-bulsheed waxay ka caawin doontaa in ay horumariyaan wacyigooda, ismaamulka iyo xirfadaha xidhiidhka lagamamaarmaanka u ah in ay noqdaan arday iyo muwaadiniin waxsoosaar leh. Sidaas baana loo hubin karaa in ardayda oo dhami ay gaadheen meel sare iyo heer ay u diyaar yihiin kulliyad ama shaqo. Waxaan u doodi doonnaa siyaasadaha iyo dhaqammada heer degmo ee suuban ee kobcinaya heerka sare ee tacliimeed iyo kartida shucuur-bulsheed. Waxaan sidoo kale la shaqeyn doonnaa macallimiinta, waalidiinta iyo hawlwadeennada bulshada si aan u gaadhno yoolalkan si aan u abuurno jawi waxbarasho oo abuuraya koboca ardayda. Waxaan abuuri doonnaa dhaqan iyo jawi dugsi oo awood u siinaya dhammaan ardayda inay horumariyaan dareenkooda shakhsi ahaaneed, muhiimada dadaalka joogtada ah iyo ka-go'naanta meeldhigista natiijooyinka noloshooda. 

 

- In la kordhiyo dadaalka lagu doonayo in madaxda dugsiga laga dhigo kuwo la arki karo oo ay heli karaan ardayda, shaqaalaha iyo waalidiintu. Qoladayada maammulka wakhtiga iyo khibraddeennu waa qaali; sidaas darteed waa in aynaan ku khasaarin shirar aan qiimo toos ah u soo kordhinayn ardaydeenna. Madaxdeennu waxay u baahan yihiin in ay xidhiidh dhow la yeeshaan ardaydeenna. Waxaan isku dayaa, shakhsi ahaan, in aan ku taageero maamulayaasheenna siyaasadda degmeed ee suubban si aan ugu suurtageliyo in ay waqti badan ku bixiyaan dhisidda xidhiidhka ardayda, waalidiinta iyo shaqaalaha dugsiga. Hoggaanka dugsigu waxa uu u baahan yahay in uu la socdo oo u hawlgalo carruurteena si loo hubiyo in aanu buuxinayno baahiyahooda.

 

- Mudnaansiinta imaanshaha dugsiga iyo soo xaadiridda. Sadhadii safmarka ahayd ayaa saameyn xun ku yeelatay habsami-u-socodka hawlaheenna caadiga ah, saameyntiina weli way sii jirtaa, marka waa in aan dib u bilownaa hawlaheennii innaga qabyada ahaa oo aan boodhka ka jafnaa jadwalladii dugsiga. Dad badan oo waalidiin, arday, shaqaale dugsi iyo maamulba leh ayaa si tartiib tartiib ah u caadaystay inaysan soo xaadirin. Waa inaan beddelnaa fikirkan, sababtoo ah nidaamyadayada la-xisaabtanka jaridda (genbinta) ama inaan la soo xaadirin waa la adkeeyay ilaa xad. Waxaan samayn doonnaa dadaal wadajir ah si aan u hubinno in ardaydu soo xaaddiraan dugsiga iyo fasalladooda. 

 

- In kor loo sii qaado horumarinta kaladuwanaanta, sinnaanta iyo in loo wada dhan yahay. Maadaama aan ahay qof aad ugu furfuran in uu u doodo sinnaanta waxaan soo dhaweeyay sooyaalka dhaqan ee kaladuwanaanshaha dugsigeenna aniga oo xidhiidh nuxur leh la yeelanaya ardayda. Degmada South Washington waxay leedahay dhaqammo iyo bulshooyin kaladuwan oo leh waayo'aragnimo qiimo leh, laakiin aan laga faa’iidaysan, iyo aqoon taageeri karta dadaallada loogu jiro in degmada sinnaani ka jirto. 

 

- In ardayda loo sameeyo habab meelmar ah oo loogu talagalay isticmaalka taleefannada casriga ah. Hadda ma lihin wax siyaasad ah oo ku aaddan arrinkaas; haddii aynaan samaynna waxba inoo kala socon maayaan. Waqti waxbarasho oo muhiim ah baa ku luma in la maammulo taleefanka ay ardaydu fasalka ku dhex adeegsanayaan. Degmadeennu waxay samaysay maalgashi la taaban karo si ay ardayda u siiso tiknoolajiyad ka sarraysa tignoolajiyadda ay bixiyaan qaar badan oo ka mid ah dugsiyada degmooyinka deriskeenna ah. Waa inaan isticmaalnaa cilmibaadhistan iyo xogtan, oo ay la socoto talooyinka shaqaalaha iyo waalidiintu, si aynu u gaadhno go’aammo waxtar ah una dejinno siyaasad fadhida. 

 

- In la adkee siyaasadda maaliyadeed ee awoodda siinaya maalgashi wanaagsan oo si toos ah ugu xidhan hagaajinta natiijooyinka waxbarashada iyo koboca ardaydeenna. Degmadeenu waxa ay ku socotaa koboc aad u ballaadhan, waana mid ka mid ah degmooyinka ugu kobaca badan dalka; waxaan u baahan nahay aragti qumman oo qeexan oo ku saabsan baahida mustaqbaliga ah ee ardayda iyo dugsiyadeenna. Kobocan awgii, waxaan u baahan doonnaa inaan dhisno dugsiyo cusub, kor u qaadista kuwii hore u jiray iyo shaqaalaysiinta macallimiin iyo shaqaale badan annaga oo maanka ku haynnasaameynta dhaqaale ee canshuur bixiyayaashayada. Waxaan fahamsan nahay muhiimada masuuliyadda maaliyadeed. Waxaan ahaa xubin sharaf leh oo ka tirsan hay’ad leh dhaqan si wanaagsan loo aasaasay oo masuuliyad maaliyadeed iyo ballanqaad macaamiil leh. Maaddaama oo aan ahaa macallin hore oo degmada ah, waxaan la kulmay wax aad u yar marka ay timaaddo dhaqanka ka go’naanta masuuliyadda maaliyadeed.

Ku saabsan

Aniga iyo xaaskaygu asbaab badan darteed waxa aaan doorannay koonfurta degmadaWashington toban sanno ka hor, helidda dugsiyo aad u tayo sarreeya ayaa ahaa muhimaddayada koowaad. Ilaa iyo maanta waxa aanu aaminsanahay in aanu samaynnay go’aankii ugu saxnaa; awlaadayadu waxa ay tagaan dugsiga Isbaanishka ah ee Nuevas Fronteras Spanish Immersion School ee ku yaalla St. Paul Park. 


Macalinimadu ma ahayn xirfaddaydii u horeysey, lix sano ka hore waxa aan ka tegey shaqo faa’iidooyin badan ii leh oo waxsoosaarka ah, si aan u horumariyo doonistaydii ahayd macalinnimo khaas ah. Waxa aan shaqo cusub oo weliba xirfadnimo waxbarashada gaarka ah oo aad loogu baahi qabay ka bilaabay East Ridge High School. Isla kolkaaasba waxa aan ogaaday in aan qaatay go’aankii ugu wanaagsanaa! Dhowr sanno kadib, shaqadaydii macallinimo, waxa aan qaatay heerkii labaad ee waxbarshada (Master’s Degree) iyo weliba ruqsad macalinimo oo qaas ah. Dhowr bil gudaheed oo xagaagii 2020 ahaa waxa la iigu deeqay boos macalinnimo, waxa aanan dugsiga sare ee Eat Ridge kaga shaqeeyey macallin tarbiyadda khaaska ah, saddexdii sanno ee xigey.


Nasiib ayaa ay ahayd in aan dugsiga sare ee East Ridge ku barto xirfadleyaal sidayda oo kale ah, macalimiin, maamul, iyo shaqaale kaleba. Si kasta ha ahaatee, waxa aan aad ugu faraxsanahay xidhiidhka aan la sameeyey ardayda, waalidka, iyo shaqaalaha; waxa ay ahayd khibrad nolol cusboonayn ahayd (life changing).


Sannadkaygii lixaad ee wax dhigidda, waxa aan u guuray dugsi kale oo degmada ah, si aan u sii wado xirfddeydii baranimo. Waxa aan la kulmay fursado iyo weliba caqabado hor leh,imaatinkaygii dugsiga cusub ka dib. In kasta oo katigitaankaygii  SoWashCo uu adkaa, haddana,tegitaankayga dugsi sare oo cusub waxa uu ii saamaxayay koritaankaygii baranimo. Ugu dambeyntii, waxa jira saamayn kale oo togan oo ay lahayd tegitaankaygii dugsi sare oo cusub. Hadda oo aanan xubin ka ahayn shaqaalaha SoWashCo waxa aan awood u leeyahay in aan iska soo sharraxo Golaha Guddiga Dugsiga degmadayda.


Waxa aan ka sameeyey saaxiibo aad u wanaagsan bulshada iyo weliba dugsi degamdeedka SoWashCo, toban sanno ka dibna, waxa aan aad ugu hanweynahay in aan ugu yeedho hoygayga, Sharaf bay ii noqon lahayd inaan bulshadan ugu adeego xubin guddiga dugsiga ka mid ah.

Waxbarasho, Waayo’aragnnimo shaqeed iyo U-dhaqdhaqaaqid Bulsheed

Waxbarasho:


Waayo’aragnnimada Shaqo:


Maamul Dugsi :


U-dhaqdhaqaaqid Bulsho:

Macluumaadka Codaynta 

Saddex hab oo aad u codayn karto:: 


Codaynta hore ee claa qofka ah oo saddex meelood ah:



Facebook
Contact ChadEmail: chadborseth@gmail.com Phone: 612.709.785811291 Harness Draw, Woodbury, MN 55129